Maamulka Puntland ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagi doono dhalinyaradii ka tirsaneed Al-shabaab ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii ka dhacay xeebaha deeganada maamulka Puntland.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Cabdikariin Fardhiye oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in maxkamada ay dhawana u fariisan doonto dacwado loo heysto dhalinyaradii dhawaan lagu soo qabtay Dagaaladii ka dhacay Xeebaha Puntland.
Mudane Cabdikariin Fardhiye waxa uu tilmaamay in ay jiraan Dhalinyaro aan wali Qaan-gaarin ee kamid ah kuwa sida maxaabista loosoo qabtay iyo kuwa Qaan-gaaray oo sharciga la marsiin doono.
“Dhalinyarada ka Tirsaneed Al-shabaab ee gacanta lagu soo dhigay waxaa ku jira kuwa aan qaan-gaarin kuwaasi waxaa la marsiin doonaa sida sharciga uu qabo, kuwa qaan-gaaray waxaa lagu qaadi doonaa dambiyada ay galeen ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland.
Dhawaan ayay aheyd markii Maxaabis Dhalinyaro u badnaa ay maamulka Puntland gacanta ku soo dhigeen kadib dagaalo maalmo ka socday Xeebaha deeganada maamulka Puntland,

