Dowlada Soomaliya ayaa mar kale walaac ka muujisay Go’aanka ay dowlada Kenya ku xireyso Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay inay aad ugu walaacsan yihiin go’aanka ay dowladda Kenya ku gaartay iney albaabbada isugu laabayso xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku yaalla.
Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la qaatay ku xigeenka Qaramada midoobay ee Soomaaliya ahna isku duwaha xaaladaha bini’aadannimada Peter de Clercq, ayaa sheegay in mas’uulka uu kala hadlay sida ay dowlada soomaliya ugu walaacsan tahay Go’aanka ay dowlada Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga Kenya.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada masuul ay isku raaceen in si wadajir ah loogu qeyb qaato ka hor tagga go’aanka dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga iyo in madaxda Kenya ay kala hadlaan arrintaan.
Dowlada Kenya ayaa Dhawaan shaacisay in ay xiro doonto xeryaha qaxootiga ee yaala Gobolka Woqooyiga Bari ee dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in xeryahaas ay saldhigyo u yihiin Al-shabaab.

