Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo Soo Dhaweeyay Magacaabista Maxamuud Sayid aadan

0

Madaxweyne ku-xigeenkii Kowaad ee Maamulka Juba-land Jeneraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shalay digreeto madaxweyne xilkii loogu qaaday ayaa sheegay in uu si weyn usoo dhaweynayo xilka ka qaadista lagu sameeyay iyo magacaabista Maxamuud Sayid aadan.

Waxa uu Jeneraal Fartaag ku micneeyay magacaabista Maxamuud Sayid Aadan inay qeyb ka tahay dib u heshiisiinta maamulka Jubbaland uu wado ee ku aadan beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

“is badalka mar walba waa loo baahan yahay Maxamuud sayid aadan waa nin ka shaqeeya nabadeynta beelaha dega Gobolada Jubooyinka waa soo dhaweeynayaa xil ka qaadista Madaxweynaha Juba-land sheikh Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayuu Yiri Jeneral Fartaag.

Shalay ayay aheyd markii wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Juba-land lagu Magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Juba-land waxaa xilkaas lo magacaabay Maxamud sayid aadan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here