Dood Cilmiyeed Ku Saabsanaa Ilaalinta Xaquuqda Caruurta oo Muqdisho Lagu soo Gaba-gabeeyay

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya Lagu soo gaba-gabeeyay dood Cilmiyeed loogu hadlaayay Ilaalinta Xaquuqda Caruurta ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya,

Kulamada oo ahaa kuwa maalmo socday ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday hay’adaha garsoorka dalka, culima’udiin, ururada bulshada, iyo dhalinyaro waxaana laga dooday sameynta sharci u gaar ah carruurta.

Dadkii ka qeyb galay dooda socday maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay ka  doodeen dhismaha maxkamad Caruurta u gaar ah iyo sidoo kale sameynta sharciga Cadaaladda Caruurta waxaana ay soo jeediyeen aragtiyo ka hadlaya fulinta fikradihii ka soo baxay.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Dr.Ismaaciil Jimcaale Calasow, oo soo xiray dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa uu sheegay in dalka oo dhan la gaarsiin doono ka doodista sharciga caalamiga ah ee carruurta ka dibna fikradaha bulshada lagu saleyn doono ansixintiisa.

Ururada u Dooda Xaquuqda Caruurta ayaa Soomaliya ku eedeeya in ay kamid tahay dalalka aan ka taxadarinta Xaquuqda Caruurta leeyihiin.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here