Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka dhacaysa Doorashada Hogaanka Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj.
Musharixiinta u Taagan Qabashada Xilka Cusub ee Nusoj waxaa kamid ah Rug Cadaa Saxaafadeed Maxamed Ibraahin Macalimow iyo Wariye Cali Baashi C/laahi oo kamid ah Wariyaasha Soomaliyeed.
Wariye Aweys Xaaji Nuur (Aweys aar) waxa uu kamid yahay Guddiga Doorashada ee dhawaan la Magaacay idaacada Simba waxa uu u sheegay in maanta la filayo in la doorto Xoghayaha Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj.

