Wafdi uu Hogaaminaayo Raisul wasaare ku xigeenka xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee Caasimada KMG-ga Maamulka Galmudug.
Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Wafdiga Raisulwasaare ku xigeenka Mas’uuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug, wasiiro iyo xildhibaano ka Tirsan Galmudug.
Madaxtooyada Galmudug waxaa kulan ku qaatay Mas’uuliyiinta Galmudug iyo wafdiga Raisul wasaare ku xigeenka Qodobada laisla soo hadal qaaday inta kulanka uu socday waxaa qeyb ka ahaa arimo ay kamid yihiin, qabyo qoraalka dastuurka, siyaasada amniga qaranka, iyo doorka Galmudug ay ku leedahay ilaalinta xeebaha dalka.






