Akhriso:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo Magacaabay Labo Madaxweyne ku-Xigeen

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkii kowaad ee Juba-land Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxaana xilkaas loo Magacaabay Maxamud Sayid Aadan.

Wareegtada lagu magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka koowaad ee Maamulka  Juba-land waxaa warbaahinta u aqriyay Afhayeenka Maamulka Jubbaland Mudane Cabdinasir seeraar(Maax).

Dhanka kale C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf ayaa loo Magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Juba-land. waxaa xilkaas laga qaaday  Suldaan Cabdulqaadir luga dheere

Maalmihii dambe waxa ay warbaahinta isla dhaxmaraysay in xilka laga qaadi doono Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kadib markii uu qilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweynaha Juba-land Axmed Madoobe.

Simbanews.com

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here