Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkii kowaad ee Juba-land Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxaana xilkaas loo Magacaabay Maxamud Sayid Aadan.
Wareegtada lagu magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka koowaad ee Maamulka Juba-land waxaa warbaahinta u aqriyay Afhayeenka Maamulka Jubbaland Mudane Cabdinasir seeraar(Maax).
Dhanka kale C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf ayaa loo Magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Juba-land. waxaa xilkaas laga qaaday Suldaan Cabdulqaadir luga dheere
Maalmihii dambe waxa ay warbaahinta isla dhaxmaraysay in xilka laga qaadi doono Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kadib markii uu qilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweynaha Juba-land Axmed Madoobe.


