Kooxda Real Madrid ayaa dhigeeda Manchester United usoo bandhigay dalab ku aadan qaadashada Xidiga booska ka weysan kooxda ee James Rodriguez.
Manchester United ayaa loo sheegay in ay bixiso Lacag dhan £60 million si ay u hesho xidiga, sida maanta lagu daabacay Majalada Daily Star ee ingiriiska kasoo baxda.
Warar kaloo soo baxaya ayaa sheegaya in wakiilka xidiga reer Colombia Jorge Mendes in uu wadahadal la furay kooxda Manchester United oo ku aadan qaadashada kaptan ku xigeenka xulka Colombia ee James Rodriguez.
Haduu heshiiska dhaco ayaa ka dhignaan doonta in Jemes uu noqon doono xidigii ugu horeeyay ee lacag badan kusoo iibsadaan kooxaha ingiriiska marka laga soo tago xidiga Angel Di Maria uu bishii August Real Madrid kaga Yimid £59.7m

