Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud:- Cafis ayay Naga Yihiin Dhalinyarada ka Tirsan Al-shabaab

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15-may ayaa ku dhawaaqay in Dowlada Soomaliya ay mar kale cafis u fidisay Dhalinyarada ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Dhalinyarada ka Tirsan Al-shabaab  ay  yihiin kuwa la qalday looguna baahan yahay in ay dib ugu soo laabtaan Qoysaskooda iyo Asxaabtooda Dowladana ay mar walba diyaar u tahay soo Dhaweynta Dhalinyarada kasoo baxaysa Xarakada Al-shabaab.

“Cafis ayay naga yihiin horeyna waan u Cafinay maantana waa maalinta Dhalinyarada Cafis ayay naga yihiin wax aarsi la dhahaayo ma jiro, waxaan doonaynaa in ay ka tanasulaan fikirka dibada nooga yimid waxaa rabnaa in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiiikh Maxamuud’.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here