Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Goordhaweyd gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kusoo dhaweeyay wafdiga Raisulwasaare Ku-xigeenka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Raisulwasaare Ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doono Madaxda maamulka Koonfur Galbeed soomaliya inta ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.






