Isku Dhac Ciidan oo Maanta ka Dhacay Magaalada Baydhabo  ee Gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu magaaladaas ka dhacay isku dhac ciidan oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa  Daaraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Isku dhaca ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ay gadoodeen  Ciidamo ka Tirsan kuwa Daraawiishta  maamulka Galbeed Soomaliya oo ku andacoonaayay in aysan helin wax mushaaraad ah 6-dii bilood aynu soo dhaafnay.

Ciidamada Gadoodka sameeyay ayaa la sheegay in ay gaareen suuqa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa hakad galay dhaqdhaqaaqii suuqii Baydhabo madaama ay la wareegeen Ciidamada gadoodka sameeyay,

Ciidamo kale oo ka Tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa isku dayay in ay ka hortagaan Ciidamada gadoodka sameenayay taasi ayaa keentay in israsaaseen kooban ay dhexmarto labada ciidan.

Saraakiil ka Tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku baxay arinta ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala dhaxgalaan Ciidamada dagaalamay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here