Ciidamada Ammaanka Kenya oo Dilay 10-Dagaalyahan oo ka Tirsan Al-shabaab

0

Laamaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen 10-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab halka ay gacanta ku dhigeen 36-kale oo lala xiriirinaayo kamid ahaanshaha Al-shabaab, tan iyo markii howlgalka laga bilaabay Xeebaha Dalka Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weeraro lagu qaaday  Xeebaha dalka Kenya iyo Weeraro lagu qaarijiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya tan iyo markii Ciidamada Kenya ay Gudaha Soomaliya soo galeeen Sanadkii 2011-dii.

James Ole Serian, oo ah Madaxa Booliska dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 9-kii bilood aynu soo dhaafnay ay ku guuleysteen in ay dilaan Askar iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa  xeebaha dalka Kenya.

“Waxaan si joogto ah ula soconaa Xaaladaha Amniga meelaha keymaha dalka Kenya si Malatari ahaan iyo si Boolis ahaan 9-kii bilood aynu soo dhaafnay waxa ay ciidamada Kenya dileen 10- ka tirsan Al-shabaab 36-kalana gacanta ayaa lagu dhigay ayuu u sheegay James Ole Serian Wakaalada wararka Reuters,

Dowlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay in ay xiro doonto xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Gobolada woqooyi bari ee dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in ay yihiin Saldhigyo ay Weerarada kasoo qaadaan Al-shabaab.

Sanadkii 2014-tii 100-qof oo kenyaan ah ayaa lagu dilay deegaanka Mpeketoni Lamu ee dalka Kenya, Al-shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu dilay dadkaas kenyaanka ahaa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here