Ciidamada Dowlada soomaliya iyo Kuwa Amisom oo La Wareegay Degmada Aadan Yabaal

0

Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa saakay la Wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab oo ku sugnaa maalmihii dambe Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,  ayaa la sheegay in ay isaga baxeen degmada saqdii dhexe ee xalay, waxaa haatan gabi-ahaanba ku sugan Degmada Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.

Dhanka kale Ciidamada ayaa bilaabay howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ka socda gudaha Degmada Aadan Yabaal, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,  iyo in ciidamada ay ka hortagaan waxyaabaha qarxa  ay Al-shabaab ugu tagaan goobaha ay ka baxaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada dowlada Soomaliya ay ka la Wareegeen degmada aadan Yabaal balse muddo kadib ayay ka baxeyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here