Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Furuqley oo 25km dhinaca waqooyi-galbeed uga beegan, degmada Afgooye, ayaa sheegaya in xalay diyaarado aan la garaneenin halka laga leeyahay ay duqeeyeen Bar kontorool ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
Dadka deegaanka Furuqley ayaa sheegay in xalay ay maqleen hubka culus ee ka dhaca diyaaradaha lagu fuliyo duqeymaha, waxaana ilaa haatan aan la ogeyn halka sida rasmiga ah loogu leeyahay diyaaradihii xalay duqeeyay saldhiga ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Maalmihii dambe Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaliya waxaa ka dhacayay duqeymo ay fulinayeen diyaaradaha dalka Mareykanka kuwaasi oo lagu Bartilmaameedsanayay Hogaamiyaasha ka tirsan Al-shabaab.

