Shir Loogu Hadlaayo La Dagaalanka Boka- Haram oo Maanta ka Furmaya Dalka Nageria

0

Goalaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa Walwalsan  Heshiis dhexmaray kooxda Boko-Haram ee dalka Nageria iyo Ururka Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq.

Goalaha ayaa sheegay in isku biirista labada koox ay dhalin karto in ay awood badan ku yeeshtaan Galbeed Afrika iyo Bartahama Qaarada Africa.

War kasoo baxay kooxda Boko-Haram sanadkii 2015-tii ayaa lagu sheegay in kooxda ay si rasmi ah ugu biirtay Daacish-ta ku sugan dalka Libiya islamarkaana ay sii socon doonaan dagaalada ka sii socda qaar kamid ah wadamada Qaarada Africa.

Dalka Nigeria ayaa maanta marti galin doono shirka loogu hadlaayo la dagaalanka kooxda Boko-Haram.

Madaxweynaha dalka Negeria Muhammadu Buhari ayaa dalkiisa ku marti galin doono Hogaamiyaasha dariska la ah dalka Negeria sida  Benin, Cameroon, Chad iyo Niger kuwaasi oo ay kawada hadli doonaan la dagaalanka Boko-Haran.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweynaha dalka France Francois Hollande ,Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee ingiriiska Philip Hammond iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here