Dagaallo Qasaare dhaliyey oo ka dhacay Gobolka Bakool.

0

Wararka ka imaanaya deegaan 40-KM u jira Degmada Waajid ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed iyo Kuwa Ethiopia oo dhan ah iyo Al-shabaab.

Waxaa lagu waramayaa in dagaalku uu geystay qasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada Maanta halkaasi ku dagaalamay.

Inta la xaqiijiyey dad kor u dhaafaya Toban ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalk tira intaa k bandanna way ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed ee degmada Waajid oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa xaqiijiyey in ciidankooda laga dilay askar kuwa kalena ay ka dhaawacmeen sidoo kale qasaare kaa la mid ah ay gaarsiiyeen Al-shabaab islamarkaana gaadiid dagaal iyo hub ay ka furteen sida uu hadalka u dhigay.

Goobihii lagu dagaalmay ayuu sheegay oo qisyaastii 40_KM u jira degmad Waajid in ay hadda gacanta ku hayaan walina uu dagaalku socdo ayna rajeynayaan in la wareegaan deegaanno kale oo gacanta ugu jira Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here