Macalinka xulka qaranka dalka Germany Joachim Low ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ku biirista Mats Hummel kooxda difaacanaysa Horyaalka dalka Germany ee Beyer Munich.
Kooxda Dortmund ayaa maalintii shalay aheyd xaqiijisay in kaptankeeda Hummels uu ku biiray kooxda ay xifaaltamaan ee Bayern isagoo ku biiri doono bishA July kadib ciyaaraha Uero 2016 oo lagu qaban doono dalka France.
Manchester United iyo Chelsea ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhiganayay laacibka reer Germany balse shalay ayaa lagu dhawaaqay in uu ku biiray kooxda Magaalada Munich ka dhisan ee Beyer Munich.

