Maamulka Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud oo Faah-faahin ka bixiyay Weerar qorshaysan ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ku qaadeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Tuulada Ceel-timir ee Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud Khadar Muxumud Cali oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Xoogga dalka Soomaliyeed ay weerar qorshaysan ku qaaden Tuulo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab iyagoo halkaas ku dilay Saraakiil iyo Ciidamo. Ka tirsan al-shabaab oo ay kamid yihiin kuwa Bartilmaameed ahaa.
Gudoomiyaha Galcad Khadar Muxumud Cali ayaa sheegay in Meydadka Al-shabaab maanta lagu soo bandhigay Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Dhanka kale Xarakada al-shabaab ayaa barahooda ku baahiyay in ay dagaalka ku dileen dhowr askari iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed balse maamulka Degmada Galcad ayaa Arintaas Gaashaanka u daruuray
Xalay ayay aheyd markii Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed ay weerar qorshaysan ku qaadeen Tuulada Ceel- Timir ee Gobolka Galgaduud oo saldhig ay ku lahaayiihiin Maamulka al-shabaab.

