Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Banaanbax ay dhigayaan Shacabka in uu haatan ka socda Gudaha Magaaladaas.
Dad ku sugan Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in gabi-ahaanba la xiray goobihii Ganacsi ee ku yaalay Magaalada Beledweyne.
Ujeedka Banaanbaxa ayaa lagu sheegay in shacabka ay kasoo horjeedaan Sicir barar ku yimid qiimaha lacagta Doolarka lagu kala sarifto Magaalada Baledweyne, Kadib markii Magaalada la sheegay in lasoo galiyay lacag faalso ah oo laga keenay dhanka deegaanada maamulka Puntland.
La Soco Wixii kusoo Kordha

