C/wali Gaas:- Waxaa Soo Socda Waqti Adag oo Dalka Soomaaliya uu Marxalad kala Guur ah Wajihi Doono

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Shacabka deegaanada Maamulka Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.

“Waxaa soo socda waqti adag oo dalka Soomaaliya uu marxalad kala guur ah wajihi doono ,waxaana  rajeynayaa in marxaladdaasi sida ay tahay loo wajoho, dadka reer Puntland-na meel walba oo ay joogaan ay u diyaar garoobaan ka qayb galka isbeddelka ka dhici doona  Soomaaliya 2016-ka,  hadday ahaan lahayd mid Dastuur iyo hadday ahaan lahayd mid doorashoba”ayuu Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Dr C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa tilmaamay in maamulkiisa Puntland iyo shacabka-ba ay rajeenayaan in  si Wanaagsan loo wajaho Hanaanka Doorasho ee dalka sanadkaan 2016-ka.

Dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Puntland uu aqbalay Hanaanka 4.5, oo ah habka lagu saleyn doono doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 206-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here