Al-shabaab oo ka Hadlay Weerarkii Deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weerarkii Habeen hore lagu qaaday saldhig ay al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka dhanka Howlgalada Al-shabaab , Shiikh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamo mareykan ah ay weerar qorshaysan  ku soo qaadeen deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo xarumo ay ku leeyihiin Al-shabaab.

Shiikh Cabdi Casiis Abuu Muscab waxa uu tilmaamay in Ciidamo Mareykan ah oo wata labo diyaaradood oo Helicopter ah in ay weerar kusoo qaadeen deegaanka balse Ciidamada Al-shabab ay kaga hortegeen afafka hore ee deegaanka ayna ku guuldareysteen Ciidamada mareykanka in ay gudaha usoo galaan deegaanka Tooratooroow,

“Ciidamada Al-shabaab si xeeladeysan bay kaga hortageen Weerarka, weyna ku guuleysteen in ay jabiyaan, Iyadoo weliba diyaarado fara badan ay ku jireen hawada kuwaas oo aan fahamsaneen ujeedka ay lahaayeen ayuu yiri Shiikh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Dowlada Mareykanka kama aysan hadlin weerarka Deegaanka Tooratooroow  balse Taliska Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed oo ka hadlay ayaa sheegay in guulo laga gaaray weerarka lagu qaaday saldhiga Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here