Oommen Chandy :-Kerala Ma ahan Somaliya Raisulsal-Wasaare Waxaad Meel kaga Dhacday Shacabka Reer Kerala

0

Kadib markii Todobaadkii aynu soo dhaafnay Raisulwasaaraha dalka India Narendra Modi,  uu sheegay in Gobolka Kerala ee dalka India, uu la mid yahay Soomaliya, ayaa hadalkaas waxaa si kulul ugu jawaabay Wasiirka Gobolka Kerala ee dalka India, Oommen Chandy,

Oommen Chandy, ayaa waxa uu Raisulsal Wasaaraha ku eedeeyay inuu dhaawacay bulshada ku dhaqan Gobolkiisa, haddii uu la barbardhigay mid ka mid ah dowladaha ugu itaalka yar ee Qaaradda Afrika, Waa siduu hadalka u dhigee.

Wasiirka Gobolka Kerala ee dalka India, Oommen Chandy, ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay waa siduu hadalka u dhigee in Gobol hormarsan in lala barbardhigo wadan ku yaala qaarada Africa.

“Waxaad ku dhaqaaday Talaabo aysan horey u sameenin Raisulwasaara-yashii adiga kaa horeeyay waxaan kuugu baaqayaa in aad la timaado Siyaasad cusub, waxaa hoos u dhigtay Sharaftii dadka Gobolka Kerala ee dalka India, ayuu yiri Oommen Chandy.

Kerala waa mid ka mid ah Gobolada ugu waawayn ee dalka India, waxaana ku nool sida la shaaciyay35 milyan oo qof, iyadoo uu meel dhexe kaga jiro, marka laga hadlaayo wax soo saarka gobolada dalkaasi.

Hadalkaan ayaa imaanaya Kadib markii Raisul Wasaaraha India, Narendra Modi, uu todobaadkii aynu soo dhaafnay wareysi ku sheegay in Gobolka Kerala uu la mid yahay wadanka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here