Gudoomiyaha Galcad:- Saraakiil Al-shabaab ayaa Lagu Dilay Weerar Lagu Tuulada Ceel Timir..

0

Wararka ka imaanaya  Gobolka Galgaduud oo Bartamaha Dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowlada Soomaliya ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Tuulada Ceel Timir.

Gudoomiyaha Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud Khadar Muxumud Cali oo  saakay la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed qeybtooda Gobolka Galgaduud ay weerar ku qaadeen Tuulada Ceel Timir oo ay ka taliyaan Al-shabaab.

Khadar Muxumud Cali Gudoomiyaha Degmada Galcad waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Tuulada Ceel Timir  abaarihii 11:00-habeenimo isla markaana lagu dilay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al-shabaab hubna lagu Qabsaday.

Ma jiro wax war ah oo ilaa haatan kasoo baxay dhanka Al-shabaab ay kaga hadlayaan weerarka lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen Tuulada Ceel Timir.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here