Wasiir Odawaa oo ka Hadlay Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

0

Wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa sheegay in dhawaan la Guda Gali doono dhisida Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

Wasiir C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa Tilmaamay Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe loo Mari doono Hanaankii lagu dhisay Maamuladii ka Horeeyay sida Galmudug oo dhawaan la dhisay

Dhanka  kale Wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa tilmaamay in  ay socdaan qorshayaal  lagu Dhisayo Xisbiyada Siyaasadeed  si loo gaaro halka la Hiigsanayo Mustaqbalka Dhow

Ugu dambeyntii wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa sheegay in Bisha November uu Furmi doono shir  Wadatashi ah kaas oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasadda,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here