Wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa sheegay in dhawaan la Guda Gali doono dhisida Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe
Wasiir C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa Tilmaamay Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe loo Mari doono Hanaankii lagu dhisay Maamuladii ka Horeeyay sida Galmudug oo dhawaan la dhisay
Dhanka kale Wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa tilmaamay in ay socdaan qorshayaal lagu Dhisayo Xisbiyada Siyaasadeed si loo gaaro halka la Hiigsanayo Mustaqbalka Dhow
Ugu dambeyntii wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa sheegay in Bisha November uu Furmi doono shir Wadatashi ah kaas oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasadda,

