Kooxda dalka Germany ee Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay goordhaweyd in daafaceeda Mats Hummels uu ku biiray kooxda ay xifaaltamaan ee Beyer Munich.
War kasoo baxay kooxda BVB ayaa lagu sheegay in daafaca uu si rasmi ah ugu biiray kooxda ku ciyaarta Garoonka Allianz Arena isla markaana uu todobaadyada soo socda uu tagi doono Magaalada Munic.

