Wasaaradda Amniga Gudaha oo Faah-Faahin ka Bixisay Howlgal Xalay Laga Sameeyay Muqdisho+Dhageyso

0

Wasaaradda Amniga Gudaha  Xukuumada Soomaliya ayaa ka Warbixisay Gaari la sheegay in waxyaabaha qarxa  lagu soo xiray oo xalay  Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya ku qabteen Isgoyska Sayidka ee degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin shukri oo warbaahinta shir jaraaid u qabtay ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen gaariga  kadib markii Xalay lasoo dhigay  isgoyska Sayidka gaar ahaan meel u dhow  goob ay Ciidamada ku baaraan baabuurta.

C/kaamil Macalin Shukri  Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa tilmaamay in xalay ilaa saakay ay laamaha Amaanka baaritaano ku wadeen gaariga la qabtay, ugu dambeena laga waayay waxyaabaha qarxa oo markii hore loogu shakisnaa.

“Gaariga la  qabtay markii hore Ciidamada Amaanka waxa ay ugu shakiyeen waxyaabaha qarxa balse baaritaan kadib waxaa la ogaaday in aysan gaariga saarneen waxyaabaha qarxa ayuu yiri C/kaamil Macalin Shukris.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin shukri ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Laamaha amaanka si loogu hortago kuwa falalka amni darada ka geysta Gudaha Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here