Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Amaanka Maamulka Juba-land ay Fashiliyeen Qarax la geliyay halka loo yaqaan Kuumadaha, oo dadka shacabka ah isugu yimaadaan.
Goobta Qaraxa la dhigay oo la yiraahdo kuumadaha ayaa ah goob ay ku yaalaan Maqaayado badan waxaana isugu yimaada Odoyaal iyo Dhalinyaro oo ku Falanqeeya Arrimaha Siyaasada iyo Bulshada.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa halkaasi waxaa ku arkay qaar ka mid ah dadkii goobta maqaayada Fadhiyay Saakay, iyadoo durba lagu wargeliyay Ciidamada Amaanka Maamulka Jubbaland.
Dhanka kale waxaa hawada saaray Muddo Saacadaha ah Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Sababta Isgaarsiinta hawada looga saaray ayaa lagu sheegay inay tahay in qaraxyada qaar lagu xiro taleefoonada gacanta kadibna marka la soo waco qaraxa uu sidaasi ku dhaco, balse si qaraxa uusan u dhicin Isgaarsiinta hawada looga saaray.

