Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Mareykanka ay xalay kula dagaalameen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warar lagu baahiyay Baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay In Ciidamada Al-shabaab ay xalay Saqdii Dhexe deegaanka Tooratoorow kula dagaalameen Ciidamo Mareykan ah oo deegaanka kusoo weeraray diyaarado iyo Ciidamo Lugta ah.
Sarkaal ka tirsan Shabaabka ayaa sheegay Ciidan Mareykan ah oo wata Diyaarado dagaal inay ku soo dageen meel 6-KM u jirta Degmada Tooratoorow, kadibna dagaal uu ka dhacay meel 2-km ujirta Degmadaasi.
Sarkaalka u hadlay Al-shabaab waxa uu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka carareen hub aad u fara badan haatana ay gacanta ku hayaan maamulka Al-shabaab ee deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka dowlada Mareykanka oo loo hadlaayo weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

