Madaxweyne Xasan Shiikh:-Dhalinyaradeena Waxaan u baahanahay inaan ka Soo Ceshano Shabaab

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay bilaabayso qabkii loo badbaadin lahaa Dhalinyarada Soomaliyeed ee ka barbar dagaalanta Xarakada al-shabaab.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay yihiin kuwa baabi’inaayo Dhalinyarada Soomaliyeed sidaas darteed Dowlada Soomaliya ay xiligaan diyaar u tahay sidii loo badbaadin lahaa Dhalinyarada soomaliyeed.

“Dhalinyaradeena waxaan u baahanahay inaan ka soo ceshano Shabaab. Dalkaanaa dalkoodi ah, dal kale malaha, kuwa Shabaab aadayna inaan ka soo celino, kuwa inay aadaan laga yaabana inaan wado kaloo ay aadaan aan u samayno. Si kaloo loo-noolaado waa inaan u samayno. Nolol ka fiican midda Shabaab inay jirto inaan tusno weeye.” Ayuu Yiri Xasan sheikh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo dhanka Ciidamada Dowlada soomaliya ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga afrika ee  AMISOM in ay la Wareegeen goobo ay muddo badan ka talinayeen Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here