Faah-Faahin ku Saabsan Qaraxa ka Dhacay Degmada Shangaani+Sawirro

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa Qaraxii Saakay ka dhacay Xarunta Fiisha Taraafiko ee Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu fuliyay ruux watay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay,  waxaana Qaraxa kadib xigay Weerar Toos ah oo Kooxda Hubeysneed la sheegay in ay ku galeen Xarunta Fiisha Taraafiko ee Degmada Shangaani.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Qaraxa ay ku Dhinteen 5-ruux oo Askar iyo Shacab isugu jiray waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka.

Dhanka kale Al-shabaab oo Weerarka ka hadlay ayaa Sheegay in ay  dileen 9-askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowlada Soomaliya oo ku sugnaa goobta la Weeraray.

20160509_081608 20160509_081721 20160509_081733 20160509_081734 20160509_081916-640x385 20160509_081922

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here