Al-shabaab iyo Ciidamada Booliska koonfur Galbeed oo ku Dagaalamay Degmada Berdaale

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ee sida gaarka ah u tababaran iyo Xarakada al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa al-shabaab oo maalmahaan la sheegay in ay ku sugnaayeen tuulada Beled Xaawo oo 30km u jirta Degmadaasi Berdaale.

Sarkaal ka tirsan Ciiidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen afar ka mid ah Al Shabaab, halka dhankooda sida uu sheegay uu hal askari kaga dhaawacmay.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka al-shabaab ay kaga hadlayaan guulaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here