Wasaaradda Maaliyada oo Hay’adaha Dowlada ku Wareejisay Qalab Lagula Socdo Dakhliga+Sawirro

0

Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Soomaliya ayaa maanta Hay’adaha Dowladda ku wareejisay qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro  iyo Footokoobiyo, Qalabkaan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconayo dakhliga u soo xarooda dowladda.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed aadan ibraahin Farkeeti ayaa sheegay in nidaamkaan la hirgaliyay Sanadkii hore  balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa  in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wixii la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulana socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda, ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Xuukumada Soomaliya Maxamed aadan ibraahin Farkeeti.

Wasiir Maxamed aadan ibraahin Farkeeti ayaa sheegay in qalabkaan markii hore uu ku koobnaa kaliyah Wasaarada Maaliydda, Bangiga dhexe, Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, wasiirka ayaa hada shaaciyay in loo gudbiyay  Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

1462709081d0220 1462709082b90b2 1462709086e294c 1462709083865b8 14627090859559e 146270908542930 146270908761529

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here