Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Soomaliya ayaa maanta Hay’adaha Dowladda ku wareejisay qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro iyo Footokoobiyo, Qalabkaan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconayo dakhliga u soo xarooda dowladda.
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed aadan ibraahin Farkeeti ayaa sheegay in nidaamkaan la hirgaliyay Sanadkii hore balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.
“Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wixii la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulana socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda, ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Xuukumada Soomaliya Maxamed aadan ibraahin Farkeeti.
Wasiir Maxamed aadan ibraahin Farkeeti ayaa sheegay in qalabkaan markii hore uu ku koobnaa kaliyah Wasaarada Maaliydda, Bangiga dhexe, Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, wasiirka ayaa hada shaaciyay in loo gudbiyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda.








