Wararka ka imaanaya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in wadada xiriirisa Magaalooyinka Burco iyo Sheekh In uu ka dhacay shil gaari oo sababay qasaaro Dhimasho.
Dhammaan dadka dhintay, ayaa ahaa sida la xaqiijiyay Dhalinyaro, iyadoo kan ugu wayn da’diisa lagu sheegay 24-sano jir, waxayna dhinteen markii uu dulmaray gaari noociisu ahaa booyad, oo ka yimid dhanka Magaalada Shiikh.
Gudoomiyaha Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dhalinyaradan, ay ka amba baxeen Magaalada Burco, ujeedkoodana ahaa inay dalxiis ahaan u taggaan dowga buuraleyda ah ee Magaalada Sheekh,
Dhanka kale Shilka gaari ayaa la sheegay in uu ka badbaaday kaliyah Canug toddobo bilood jiray, oo ay dhashay gabar dhalinyaro ahayd, kana mid ahayd toddobadii qof ee shilkaasi ku dhimatay.

