Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo axad ah ka dhacaysa Caasimada Dalka Jabuuti ee Djabuuti.
Waxaa ka qeyb galaya xaflada Madax kala duwan sida Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo Siyaasiyiin xilal horey ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maray, iyo qaar kamid ah Hogaamiyaasha Qaarada Africa.
Amaanka dalka Jabuuti ayaa aad loo adkeeyay waxaa lagu arkayaa Magaalooyinka dalka Jabuuti Ciidamo aad u fara badan oo ka qeyb qaadanaya sugida Amniga dalkaas.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay kulamo kula qaatay Madaxtooyada dalkaas Madaxweynaha soomaliya iyo siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay dalka, kulamada ayaa inta badan diirada lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac.

