Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed  oo Gaaray Dalka Jabuuti

0

Madaxweynihiii Hore ee Soomaliya Mudane sheikh shariif Shiikh Axmed ayaa gaaray Caasimada dalka Jabuuti ee Djabuuti si ugu qeyb qeybgalo caleema-saarka Madaxweynaha dalka Jabauuti Mudane Ismaaciil cumar Gelle oo dhawaan mar kale la doortay.

Mudane Shiikh shariif ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe in uu ka duulay garoonka diyaaraaha dalka isutaga Imaaraadka Carabta wuxuun gaaray Garoonka Diyaaradaha dalka Jabuuti xubno Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka dalka Jabuuti ayaa kusoo dhaweeyay halkaas.

Maalinta Bari ah ayaa lagu wadaa In Magaalada Djabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti lagu Caleema-saaro Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle oo dhawaan guuleystay Doorashadii dalkaas ka dhacday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here