Gudoomiyihii Hore ee  Gobolka Banaadir  oo Muqdisho si Weyn Loogu soo Dhaweeyay+Sawirro

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa maanta Xafiiskiisa kusoo Dhaweeyay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Xasan Abshir Faarax, oo marna Xildhibaan kasoo noqday Baarlamankii dalka.

Mudane Xasan Abshir faarax waxaa Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar kusoo Dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna ka mahad-celiyay sida Diiran ee loogu soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Ex.Xidhibaan Xasan Abshir Faraax oo la hadlay Warbaahinta kulanka Guddoomiyaha ka dib ayaa Sheegay in qiira lixaad leh ay ku abuurtay soo Dhaweyntii maanta loogu sameeyay Aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho oo Xili uu ka Talinayay, waxaana uu mahad celin iyo bogaadin farxad ku dheehan tahay u jeediyay Yusuf Xuseen Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo kulanka ka dib Warbaahinta dhankiisa la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo Dhaweynta Dad xilal kasoo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir.

IMG_6574 IMG_6582 IMG_6583

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here