Sawirro:- Al-shabaab oo Soo Bandhigay Gaadiid iyo Hub ay Sheegeen in ay ku Qabsadeen Dagaalkii Run-irgood

0

Xarakada al-shabaab ayaa soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay ku sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay dagaalkii Run-irgood ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 50-askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya kadib dagaalkii ka dhacay Run-irgood shabeelaha dhexe.

Warbaahinta ku hadasha Afka xarakada Al Shabaab ayaa baahisay muuqaallada gaadiid dagaal oo laga qabsaday dowladda soomaliya iyo Meydadka ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo al-shabaab ay sheegeen in lagu dilay dagaalka dhacay.

Dowlada soomaliya oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen ciiidamada dowlada soomaliya deegaanka Run-irgood shabeelaha dhexe. Ayna deegaanka ka saareen al-shabaabkii qabsaday.

DSC02433-Copy DSC02445-Copy DSC02447-Copy DSC02466-Copy DSC02469-Copy DSC02475-Copy DSC02478-Copy DSC02480-Copy DSC02502-Copy

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here