Xarakada al-shabaab ayaa soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay ku sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay dagaalkii Run-irgood ee Gobolka shabeelaha dhexe.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 50-askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya kadib dagaalkii ka dhacay Run-irgood shabeelaha dhexe.
Warbaahinta ku hadasha Afka xarakada Al Shabaab ayaa baahisay muuqaallada gaadiid dagaal oo laga qabsaday dowladda soomaliya iyo Meydadka ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo al-shabaab ay sheegeen in lagu dilay dagaalka dhacay.
Dowlada soomaliya oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen ciiidamada dowlada soomaliya deegaanka Run-irgood shabeelaha dhexe. Ayna deegaanka ka saareen al-shabaabkii qabsaday.










