Ciidanka Dowladda oo ka hortagay Kooxo Doonayey in Goobo Ganacsi ay gubaan.

0

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeelah hoose ayaa kusoo waramaya in Maanta Ciidank Dowladda Soomaaliya ay ka hortageen Kooxo hubaysan oo aan heybtooda la garan oo iyagu doonayey in ay markaasi gubaan goobo ganacsi oo ku yaalla deegaankasi.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka ag dhawaa goobtaas ay isusoo gurmadeen xarumaha ganacsi ee l doonayey in ay gubaan maleeshiyaadkaasi hubaysan ee weerarka halkaa ku qaaday.

Markii ay ciidanku meesha tageen ayaa la sheegayaa in ay kooxihii baxsadeen iyadoon aan la ogeyn halka ay aadeen iyo halkii ay markii hore ka yimaadeen.

Shacabka ku nool deegaankaasi ayaa waxaa ay arintaan ku tilmaameen mid fajac ah oo ay aad ula yaabeen,waxaana la ogeyn sababta dhalisay in arinkaan la isku dayo.

Maalmihii dambe deegaanada Gobolka shabeelaha hoose waxaa ka socday falal gurracan oo ay geysanayaan maleeshiyo beeleedyo in mudo ah ku dagaalamayey degmooyinka gobolkaasi,waxaana dhacdadii ugu xanuunka badnayd ay dhacday todobaadkan kadib markii deegaan hoos-taga magaalada Marka lagu gubay waliba si ka baxsan bini-aadamnimada Haweeneey da’ah iyo waliba ku dhawaad todobo caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here