Ugaas Cali Ugaas Maxamuud Ugaas Shafeec oo ka mid ah Odayaasha kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay howlaha iyo wax u qabashada sida uu yiri dowladda ay kaga baahnaayeen shacabaka gobolka Hiiraan.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka meermeerayaan in shacabka gobolkaasi ay wax la qabtaan ayna u rumeeyaan rabitaankooda ku aaddan hannaanka Maamulka dhisidda gobolada la mataaneeyey ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Dowladda Soomaaliya waxaa ay ku qasbaysaa Wax-garadka iyo shacabka Hiiraan in ay raacaan shir lagu dhisaayo maamul aysan raalli ka ahayn oo ah kan ka socda Jowhar ayuu yiri Ugaas Shafeec.
Ugaaska oo sii hadlaya ayaa sheegay in hadda ay rajada shacabk iyo Ugaasyada gobolka Hiiraan ay doonayaan in dowladdu ay kasoo baxdo kaalinta kaga addan reer Hiiraan islamarkaana ay meesha ka saarto dhaliisha ay ka tirsanayaan shacabka Hiiraan.

