Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka Hadlay Caruur iyo Ayeeyadood oo Lagu Dilay Shalambood

0
Lower Shabelle Governor, Ibrahim Adan Ali, speaks during a meeting between the AMISOM Political Office and the Interior and Local Government Minister of the Interim South West Administration (ISWA), Abdirahman Ibrahim Aden, the Lower Shabelle Governor, Ibrahim Adan Ali, and elders in Mogadishu, Somalia, on March 1, 2016. AMISOM Photo/ Omar Abdisalan

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha ee Koonfur Galbeed soomaliya Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa cambaareeyay dhacdadii lagu dilay caruur iyo ayeeyadood oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxo  hubeysan, oo aan la garanin  waxa ay ahaayeen ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen guri ay daganaayeen ayeeyo iyo caruurteeda iyagoo isku xirxiray markii dambana gubay sida ay goob-joogayaal u sheegeen idaacada simba ee Magaalada Muqdisho.

Dhacda halka ay ka dhacday ayaa lagu magacaa Siinaay, oo dadka qaar ay u garanayan Dudumo, isla-markaana 5km  u jirta deegaanka Shalambood, oo hoos-tagga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Gudoomiyaha, Gobolka Shabeelaha Hoose ibraahin Najax  ayaa wuxuu tallaabada lagu dilay dadkaasi uu ku sheegay cadaawad qabaa’il, isagoo intaa ku daray in dilka dadkaasi uu daba socdo aanooyinka beelaha ee ku soo noq noqday Gobolkaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here