
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha ee Koonfur Galbeed soomaliya Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa cambaareeyay dhacdadii lagu dilay caruur iyo ayeeyadood oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose.
Kooxo hubeysan, oo aan la garanin waxa ay ahaayeen ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen guri ay daganaayeen ayeeyo iyo caruurteeda iyagoo isku xirxiray markii dambana gubay sida ay goob-joogayaal u sheegeen idaacada simba ee Magaalada Muqdisho.
Dhacda halka ay ka dhacday ayaa lagu magacaa Siinaay, oo dadka qaar ay u garanayan Dudumo, isla-markaana 5km u jirta deegaanka Shalambood, oo hoos-tagga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Gudoomiyaha, Gobolka Shabeelaha Hoose ibraahin Najax ayaa wuxuu tallaabada lagu dilay dadkaasi uu ku sheegay cadaawad qabaa’il, isagoo intaa ku daray in dilka dadkaasi uu daba socdo aanooyinka beelaha ee ku soo noq noqday Gobolkaasi.
