Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa Howlgalo Baaritaano ah ka Wada Qeybo kamid ah degmada Howlwadaag

0

Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir  ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya ay saakay degmadaas  ka wadaan Howlgalo Baaritaano ah oo amaanka Lagu xaqiijinaayo

Dad ku sugan degmada Howlwadaag  oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in Hakad uu ku jiro dhaqdhaqaaqa isku socodka dadka iyo Gadiidka degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir sababo la xiriira Howlgalka  ay wadaan ciidamada dowlada soomaliya

Howlgalka ayaa la sheegay in si wadajir ah u Fulinayaan ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya iyo ciidamo Boolis ah Gobolka Banaadir

Wixii ku soo kordha kala soco simbanews.com 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here