Wararka saakay ka imaanaya Gobolada jubooyinka ayaa sheegaya in ciidamada Maamul goboleedka Juba-land ay wadaan Howlgalo Baaritaano ah oo amaanka lagu xaqiijinaayo
Deegaanka Buulo- Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegayaa in ciidamada Maamulka Juba-land ay ka wadaan Howlgalo Baaritaano ah oo amaanka Lagu xaqiijinaayo
Saraakiil ka Tirsan ciidamada Maamulka Juba-land aynu la xariinay ayaa inoo sheegay in ay jiraan Holwgalada saakay laga sameynayo Deegaanka Buulo- Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose
Deegaanka Buulo- Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa al-shabaab oo marar badan weerar kusoo qaaday deegankaas

