Ciidamada dowlada soomaliya iyo Kuwa midowga Africa ee amisom ayaa wada qorshe dib la iskugu Furaayo wadooyinka gobolka Bakool oo al shabaab ay go’doomiyeen
Gudoomiye ku-xigeenka degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya kuwa Midowga Africa ay wadaan qorshayaal lagu furaayo wadooyinka Gobolka Bakool oo al-shabaab ay xireen
Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeenka degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ay ka Go’an tahay isku Furka wadooyinka Gobolka Bakool
Gudoomiye Ku-xigeenka degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ay iskaaga baxaan Goobaha ay kala wareegaan ciidamada al-shabaab ee Gobolada Bay Iyo Bakool

