Lafta gareen oo ciidamo dheeraad ah dejiyay duleedka Magaalada Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu amar kubixiyay in ciidamo dheeraad ah lageeyo Duleedka Magaalada Baydhabo si ay uga hortagaan weerarada Al-shabaab.

Saraakiisha Militeriga ee ciidamada Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaan loo diyaariyay saldhigyo ay banaanka hore ee magaalada ka sameesanayaan si loo hakiyo weerarada Hoobiyeyaasha ah ee ay Al-shabaab ku weeraraan gudaha magaalada iyo Garoonka Baydhabo.

Dhowr jeer waxaa dhacday in Al shabaab ay duleedka Magaalada ay kasoo weeraraan gudaha magaalada gaar ahaan saldhigyada ciidamada Darawiishta ee Koonfur galbeed intoodi ugu badana waxa ay dhacaan xiliyada habeenkii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here