Daaficii Hore ee kooxda Real Madrid Cicinho ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga daafaca kooxda real Madrid kaga ciyaara ee Danilo kasoo qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigaya Garoonka Bernabeu.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa booska daafaca Midig kala baxay difaaca heerka caalami ee xulka dalka Spain ee Dani Carvajal’ kadib dhaawac soo gaaray xili ciyaareedkaaN Gudihiisa.
24-jirkaan ayaa kusoo bilowday 15-kulan kulamada kooxda Los Blancos tan iyo markii uu kaga yimid kooxda Poro ee dalka Portugal aduun dhan €31.5 million halka Dani Carvajal’ uu kusoo bilowday 6-kulan 7-kulan ee ugu dambeysay.
Dhanka kale Cicinho oo kasoo muuqday kooxda Real Madrid 32-kulan labo xili ciyaareed uu ku sugnaa ayaa sidoo kale aaminsan in qaab ciyaareed wanaagsan uu leeyahay xidiga Carvajal.

